Ma Dhabaa In Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia uu Oggolaaday Ciidamada Ethiopia..

Africa News Security Somalia news

Xuuraano loo qaateen ah ayaa daaha ka roofaya in Villa Somalia ay si rasmi ah u aqbashay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Egpyt in qoondo laga siiyo howlgalka cusub ee AUSSOM, iyagoo tirada Ciidamada Ethiopis lagu go’awmin doono kulanka Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ku dhexmari doona dalka Uganda 10-ka Janaayo 2025…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Qoondada Ciidamada Egpyt ay dhamaan doonaan 500 Askari, halka tirada saxda ah ee ciidamada Ethiopia mari doona Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare inkastoo ay qiyaasti u badan tahay iney ka badan yihiin 2,000 oo Askari.

Kulanka u dhexeeya Xassan Sheekh iyo Abiy Ahmed ee TCC oo dhinac ka ah Kulanka CAADP (Comprehensive African Agriculture Development Programma) kaasoo la qabanaayo 9/11 Bishaan Jenaayo, wuxuuu noqon doonaa dood dhinac ah oo qayb, kaasoo ka dhacaya Kampala inta u dhaxaysa.

Muwaadiniin badan ayaa isweydiinaya, waxaana Madaxweynaha Somalia sababta uu u nuglaaday Maamulka Oramuuma ee Abiy Axmed kaasoo fara gelin ba’an iyo Caburin ku haya Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool 4-ta Gobol oo Konfurta ku yaal kuwaasoo ka ah Gobolka Gedo, Bakool, Bay iyo Hiiraan, Hub iyo Saanad Ciidana si sharci darro ku hubeeya maleeshiyaad ka soo jeeda Goboladaasi.

355390cookie-checkMa Dhabaa In Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia uu Oggolaaday Ciidamada Ethiopia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *