Ma Dhabaa in Lafta gareen uu Boliiska u Adeeganaayo Caburinta & Cabsi gelinta Mucaaradka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xiriir Taleefonada oo dhex maray Madaxweynaha Konfur galbeed iyo Madaxa Boliiska ee Gobolka Bay Amin Mohamed Darur, Sarkaalkaan oo balanqaaday inuu soo ridaayo Diyaarada fasax la’aan ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo…

Xogtaan ayaa Warsidahaan u xaqiijisay in Mr.Lafta gareen uu amar dul dhigay Taliyaha Boliiska inuu guryaha mucaaradka ilaalo ka qabto isla markaasna soo rido Diyaaradaha la xaqiijiyo iney soo qaadaan Kooxaha Mucaaradka, Sarkaalkaan ayaa horey uga mid ahaa ilaalada Taliyihii hore ee Boliiska Gobolka Bay, waxaana ayaan darro ah in Taliyaha Boliiska ee Dowladda Federaalka magacaabista ay awoodihiisa ka mid tahay uu ka gaabiyay inuu joojiyo tacadiyada ka socda Gobolka.

Wararka ayaa sheegay in Sarkaalkaan (Amiin) uu Ciidamada Boliiska Gobolka ku dhiiri geliyay iney isticmaalaan tabaha cabsi gelinta ee kooxaha Argagixisada isla markaasna qaarijiyaan Taageerayaasha iyo howlwadeenada kooxaha Mucaaradka ee Gobolka ka wada dhaqdhaqaaqa looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisu 24-saac ka harsan tahay.

Amin ayaa sidoo kale fariimo hanjabaad ah u diray Ganacsatada iyo Milkiilayaasha Guryaha ku leh magaalada Baydhabo ineysan ka kireynin guryahooda kooxaha Mucaaradka, wuxuuna ku hayaa hanjabaado iyo cabsi gelin joogto ah, isagoo Ciidamo Hubeysan u diray si ay baaris ugu sameeyaan Hoyga Wasiirkii horw ee Maaliyada Mr.Farkeeto.

231880cookie-checkMa Dhabaa in Lafta gareen uu Boliiska u Adeeganaayo Caburinta & Cabsi gelinta Mucaaradka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com