Ka Tashiga Doorashada Iyo Hubanti La’aanta Ku Gedaaman is

Somalia news

Dalka Somalia ayaa xiligaan kala guurka waxey dhex dabaalaneysaa marxalado hubanti la’aan iyo Jahwareer ku gedaaman in Doorasho ku dhacdo si nabad ah, iyadoo maamulka fashilmay ee Farmaajo uu ka gaabiyay in wakhti hore uu qabto shaqadaan, waxaana laga cabsi qabaa in jahwareerkaan uu horseedi karo in dalka uu dib ugu laabto dagaaladii Sokooye iyo kala dambeyn la’aantii…

Aqoonyahannada ku xeel dheer arrimaha gudaha iyo amaanka ee Somalia oo sanadihii ugu dambeeyay ka digaayay dhibaato laga dhaxli karo, in dalka dib ugu laabto hadii laga keenay, inkastoo ay farta ku fiiqeen in “Xumaan iyo samaan Max-suulka laga dhaxlo waxaa dusha u ridan doona Hogaanka Dalka talada haya, maxaa yeelay wuxuu dalka u horseeday hubanti la.aan Jahwareer”.

Aragtiyada xulashada Codeynta ee la isku hayo waa kuwo banaanka yaal, Madaxda Villa Somalia wuxuu ku mashquulay oo wakhti badan ku lumiyay muddo kororsi, markii ay socon weysay Qorshahaasi, ayuu hadda wuxuu keenay inuu ku mashquulo doorsho ka duwan midii qabsoomtay 2016-kii si uu ololaha ugu galo, balse dhinacyada ka soo horjeeda ayaa ka goos-qabsanaaya iney si sahlan dhico siyaasadeed ku siiyaan Madaxweynaha wakhtigiisa sii dhacaaya, waxeyna ku doodayaan inuusan harin wakhti lagu tijaabiyo nidaam cusub.

Dhaqaalaha Ku Baxaaya Doorshada;-

Waxaa jira qodob muhiim u ah Doorashada, la,aantiisna aan Doorasho la qaban karin, waxayna ahayd inuu noqdo Qodobka ugu horeeya, Haddana marka la eego Xanta la helaayo aanba ku jirin Qodobada laga doodayo ilaa hadda, Waana qodobka yaa bixinaya Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada, Xageese ka imaanayaa!!.

Doorasho wadanka laga qabto Noocay rabto ha noqotee Waxay u baahan tahay Dhaqaale badan oo gaaraya Malaayiin Doolar, iyadoo noocyada Doorashadu ay kala qiime ahaan karaan ama kala qaalisanaan karaan, inkastoo dhaqaalaha la hayo xiligaan la sheegay iney dhan tahay 11- Milloion US$, mana ku filna in Mashruucaan lagu hirgeliyo.

Dhaqaalaha waxaa la qorsheeyey inuu ka yimaado Sadex Jiho oo kala ahaa Khasnadda Dowladda Federaalka, Beesha Caalamka iyo Qoondo Dhaqaale oo laga qaado Musharax kasta oo u tartamaya Kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka, Ogaantay wali waxaa jiray Daymo taagan oo lagu leeyahay Dowladda Dhexe lana xiriirtay kharashkii ku baxay Doorashadii 2016kii.

61150cookie-checkKa Tashiga Doorashada Iyo Hubanti La’aanta Ku Gedaaman is