Ma Dhabaa in Hogalaha WorldRemit uu Magaalada Garoowe Soo Gaaray & Ujeedada…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in dhawaan ay gaareen magaalada Garoowe Koox isugu jirta Sirdoonka Ethiopia iyo tiro Ganacsato magaalada Hargeysa ka soo jeedaa uuna ka mid yahay Milkiilaha Worldremit, safarkaan Kooxdaan isa saaran iyo Qorshahooda ayaa laga digay…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kooxdaan ay kulamo la qaateen Hogaanka Maamulka Puntland iyo tiro Ganacsato Degaanka ah, iyadoo qodobada laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen sidii Saameynta Ganacsi/Xawaalada Hormuud Foundation iyo Faracyadeeda hoos looga dhigi lahaa Degaanada Puntland iyo Waqooyiga Somalia, Kooxda SSC loo hoos geyn lahaa Maamulka Hargeysa.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Mr.Ismaaciil Axmed Xawaaladiisa ay dhibaato dhaqaale ka soo gaartay Ololaha la magac baxay #Boycottworldremit# ayaa Garoowe sida la sheegay u tagay sidii Shirkad cusub oo ay ku mideysan yihiin Isaga+Ganacsato Puntland ka soo jeeda iyo Ganacsato Oromo ah, Faracna looga furi lahaa magaalada Garoowe si loo suuq geliyo waxaana la sheegay in Reer Faroole ay Mashruucaan hor boodayaan.

Digniino ayaana laga soo saaray in Dhaqdhaqaaqyadaan ay wadaan kooxahaan Danleyda ah, iyadoo ujeedada ka dambeysa ay tahay sidii Degaanada Waqooyiga iyo Puntland looga joojin lahaa Ganacsiga Shirkadda Hormuud oo saameyn ku leh Degaanada kor ku xusan hadii ay ahaan laheyd Xawaalado ama Isgaarsiin.

325690cookie-checkMa Dhabaa in Hogalaha WorldRemit uu Magaalada Garoowe Soo Gaaray & Ujeedada…