Sanduuqa Horumarinta Africa Oo Dhaqaale Ugu Deeqay Somalia

Africa News Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa deeq dhaqaale oo Sanduuqa Horumarinta Africa oo hoos yimaada Bangiga Horumarinta Africa (AFDB), ayaa ansixyay u deeq dhaqaale Dalka Somalia, Deeqdaan oo lagu taageeraayo Barnaamijka Sugnaanta Cuntada ee Somalia…

Agaasimaha guud ee AFDB ee Bariga Africa, Mrs.Nnenna Nwabufo ayaa sheegtay Dalka Somalia loogu deeqay Dhaqaale dhan 5,4 Millions US$, waxeyna wax ka tari doontaa Lacgtaani saameynta abaarta daba dheeraatay & saameynta ka dhalatay Cunto yarida Dagaalka Russia & Ukraine oo ay dii xoojisay Haqab-beelka Raashinka Geeska Africa.

Dhaqaalahaan ayaa la sheegay iney dheeraad ku tahay yabooha ay ku dhawaqday Madaxa Hey’adda USAID taasoo dhan 1.3-Bilyan US$, isuguna jirta gargaar Bini’aadnimo iyo Horumarin, si looga hortago gaajada iyo dhimashada ee Dalka Somalia.

Warbixinada la diyaariyay ayaa tilmaamaya in Dad kor u dhaafaya 18-millions oo Qof ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah kuwaasoo saameysa Abaarta iyo macluusha, masiibadaan ayaa waxaa sabab u ah dib u dhacyo roobeed iyo Nabad la’aanta ka taagan qeybo ka mid ah dalalka geeska Africa, waxaana si gaar ah farta loogu goday Waqooyiga Ethiopia, South Sudan, Djibouti iyo Somalia.

203250cookie-checkSanduuqa Horumarinta Africa Oo Dhaqaale Ugu Deeqay Somalia