Ma Dhabaa in Isbedel lagu Sameynaayo Xilalka Garsoorka Maxkamadaha, Xeer Ilaalinta & Hantidhowrka..

Politics Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa qorshe ay Hogaanka Villa Somalia ku dooneyso iney isbedel baahsan ku sameyso Xilalka sare ee Dowlada Federaalka sida Maxkamadaha, Xafiisyada Xeer ilaalinta iyo Hantidhowrka, inkastoo muddo xileedka Madaxweynaha uu ka dhiman yahay qiyaastii 14-bilood…

Xuuraanada la helaayo ayaa tilmaamaya in Golaha Wasiirada Somalia la filayaa inay is beddel ku sameeyaan xilalka Hanti-Dhowrka, Maxkamadda Gobolka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada, iyadoo Maalmahaan dambe uu aad u kordhay Khilaafyada u dhaxeeya Saraakiisha Xafiisyadaan Maamula kuwaasoo warbaahinta isu marinaayay hadalo iyo Eedo xanaf leh.

Mas’uuliyiinta miiska saaran in la magacaabo ayaa waxay kala yihiin-:

-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa loo wadaa Avv. Maxamed Xuseen Xaamud.

-Maxamed Cismaan Baarri ayaa loo wadaa Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka.

-Khadar Mohamed Hassan oo loo wado Hanti-Dhowraha Guud.

-Burhaan Maxamed Cali ayaa loo wadaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.

    361200cookie-checkMa Dhabaa in Isbedel lagu Sameynaayo Xilalka Garsoorka Maxkamadaha, Xeer Ilaalinta & Hantidhowrka..
    Malabow

    Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

    http://diinah.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *