Xiisada Somalia & Ethiopia Turkiga Miyuu u Kala Dab Qaadayaa mise Dhinac ayuu Difaacayaa..

Somalia news

Kadib markii Madaxtooyada Villa Somalia ay Laamaha Fulinta iyo Sharci dejinta culeys ku saartay in Saacado gudahood lagu ansixiyo Heshiiska Difaaca ee Turkiga Somalia, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Maamulka Ankara uu diyaar u yahay inuu u kala dab qaado Somalia & Ethiopia..

Sida ay daabacern Warbaahinta Turkiga Mr.Erdogan ayaa sheegay in Somalia iyo Turkiga ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin Iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca, iyadoo Warbaahinta Turkiga ay Madaxweyne Erdogan uu dhinaca kake sheegay in Dalkiisu uu diyaar u yahay inuu dhex dhexaadiyo Ethiopia & Somalia, iyadoo Khilaafka u dhaxeeya labada Dal uusan aheyn mid si fudud xal looga gaaro waayo Somalia ayaa dhulkeeda/Xeebaheeda ayaa duulaan lagu yahay.

Sida ku cad Heshiiska Turkiga iyo Somalia oo ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaansgandhiga 2-Dal, Dalka Turkiga wuxuu Siin doonaa Qalabka Difaaca Xeebaha iyo Cirka isla markaasna wuxuu ka qeyb qaadan doonaa Tababarida Ciidamada Somalia, Heshiiskaan ayaa dhigaaya in Ciidamada Badda Turkiga ay ilaalin doonaan xeebaha Dalka Burcad badeed, Argagixisada iyo fara gelinta shisheeye.

312090cookie-checkXiisada Somalia & Ethiopia Turkiga Miyuu u Kala Dab Qaadayaa mise Dhinac ayuu Difaacayaa..