Kulankii Caawa Ee Villa Somalia Oo Baaqday

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu baaqday Kulankii caawa la filayay inay yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kadib markii Horumar laga gaari waayay qodobadii ugu muhiimsanaa…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Sababaha Kulanka u baaqday ayaa ah Shuruud ka timid Hogaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku saabsan arrinta Gobolka Gedo oo ah in Dowladda Federaalka ka soo saarto Ciidamada ay geysay iyo in Maamulada maqan lagu soo daro Wada hadalka.

Waxaa haatan shir u socdaa Madaxweynaha Jubbaland iyo Puntland, kuwaasoo ka tashanaaya qodobka kor ku xusan.

Galabta ayay aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland iyo Agaasimaha NISA kulan saacado badan qaatay ay yeesheen, arrimaha laga wada hadlay ka mid ahaa arrinta Gobolka Gedo, inkastoo lagu heshiin waayay, iyadoo uu diiday Mr.Farmaajo inuu Ciidamada ka soo daro Gobolka Gedo.

58400cookie-checkKulankii Caawa Ee Villa Somalia Oo Baaqday