Share the post "Ma Dhabaa in Isku shandheyn lagu Sameynaayo Tiro Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qorshe ay isla meel dhigeen Madaxweynaha & Wasiirka 1-aad kaasoo salka ku haya in isku shaandheyn kooban lagu saameyo tiro kooban oo ka mid ah Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka, iyadoo isbedelkaan ay saameyn doonto Wasaarado..
Xogtaan ayaa tilmaamtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa la filayaa in loo wareejiyo xilka Wasiirka Gaashaandhigga, iyadoo is bedelka Wasaaraddan uu markii 2-aad noqon doono muddo bil gudahood labo Wasiir isku bedelaan, iyadoo Wasiirki ugu waqtiga dheeraa ee soo mara Wasaaraddaas C/qaadir Jaamac looga bedelay cadaadis ka yimid Mareykanka oo Madaxtooyadu ku qasbanaatay.
Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa Xubinta loo magacaabayo ay dood ka taagan tahay, Mr.Xamse ayaa doonaya in xilkaas loo magacaabo C/salaan Cabdi Cali (Dhaay) oo hadda ah Ra’iisul Wasaare kuxigeen, halka C/rashiid Xasan Maxamed oo ah Wasiirka Gaashaandhigga laga dhigo Ra’iisul Wasaare Kuxigeen.
Waxaa jiro dood ay ka keeneen xulashada Magacaabistaan Gabadha Madaxweynaha iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibeda, Garabkasn ayaa doonaya in Xilkaasi loo magacaabo Shaqsi ku nool Dalka Mareykanka kaasoo la sheegay inuu xiriir dhiw la leeyahay Xubno Xisbiga Demuqaraadiga USA ka tirsan, Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia ayaa weli ku taagan Siyaasad xumida & qorshe la’aanta Arrimaha Difaaca iyo Siyaasada Arrimaha Dibeda.