Madaxda Shirkadaha Diyaaradaha Oo Lagu xiray Saldhigg Boliis

Somalia news

Dalkaan ayaa waxaa joogto ka noqday awood sheegashada Xafiiska ay xiligaan Shaqsiyaadka Madaxda ka ah ku tagri falaan awoodaha loo igmaday, iyadoo aysan jirin cid kula Xisaabtamo karta Dembiyada ay geystaan xubnahaan Xilka haya…

Shalay Qaar ka mid ah madaxda Shirkaddaha diyaaradaha ee Muqdisho ayaa lagu xir xiray muddo 2-saacadood ah, Saldhhigga Boliiska garoonka diyaaradaha, iyadoo uu amarkaasi bixiyay Wasiirka Duulista & Hawada ee Dowladda muddo xileedkeedu dhamaaday.

Xariga madaxdaan ayaa kusoo aadaya xilli uu shir uga socday Hotelka Decale oo ku dhax yaalla garoonka Aadan Cadde, Axmed Diini Cali oo sheegay inuu yahay Gudoomiyaha ururka isutaga diyaaradaha oo warbaahinta la hadlay ayaa eedeymo culus u soo jeediyey Wasiirka Gaadiidka.

Waxuu sheegay in Wasiir Duraan uu u adeegsaday askar, kadib markii ay isugu tageen kulan uu isugu yeeray ururka isutaga diyaaradaha, “Garoonka Diyaaradaha waxaa ka taagan dhibaato aan laga soo kabsaneyn,” ayuu yiri Axmed Diini.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in wasiirku uu sabab u yahay khilaaf waayahaan jiray oo salka ku haya in la dhiso urur cusub oo ay ku mideysan yihiin diyaaradaha ka howlgala Somalia.

174990cookie-checkMadaxda Shirkadaha Diyaaradaha Oo Lagu xiray Saldhigg Boliis
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com