Khilaafyada Doorashada Oo Isu Rogay Garabyo Isbageysi Oo Is-Diidan

Somalia news

Caadiyan, haddii uu ka dhamaado muddo xileedka hay’adaha Dowlada, sida Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, waxaa geedi socodka doorashada iyo ka bixitaanka waqtiga kala guurka ah dalka laga rabaa iney ka saaraan maamul gobaleedyada dalka iyo Dowladda xiligaas jirta, hadii ay ku heshiin waayaan Waxaa abuurma awoodo iska soo horjeeda oo aan sharci ku fadhin….

Farmaajo oo kaashanaya maamulada taageersan ee Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa noqday Isbaheysi isku dan ah islamarkaana ka shaqeeya danahooda gaarka ah, halka Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo kaashanaaya Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay iyagana Khamiistii abuureen Madasha Badbaado Qaran.

Xaaladaan cakiran ayaa u muuqata in ugu dambeyn ugu dambeyn wadal hadal dhab ah la isugu imaan doono oo ay yeeshaan labada garab, Farmaajo ayaa u muuqdo in wajahayo guul darrooyin siyaasadeed, kuwaasoo ugu dambeyn sababi kara in uu hor-fadhiisto Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Axmed oo kursiga kaga horreeyay islamarkaana uu kala dhaxeeyo khilaaf culus, si uu heshiis ugala gaaro doorashada.

103050cookie-checkKhilaafyada Doorashada Oo Isu Rogay Garabyo Isbageysi Oo Is-Diidan