Ma Dhabaa In Jiis-Mareexaan Uu Qaraxyada Ku Lug-Leeyahay

Politics

Macluumaad ayaa laga helay Qorshe guracan oo laga diyaariyay Villa Somalia iyo NISA, kuwaasoo la doonaayo in Lagu burburiyo Maamulka Jubbaland, iyadoo la sheegay in qaraxyo iyo Naftood haligayaal loo diyaariyay sidii loo fulin lahaa…

Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamtay in Qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Baarsanguuni oo ay sheegteen Kooxda Shabaabka uu ku lug lahaa Madaxa Kaalinka ee Hey’adda Sirdoonka NISA Cabdullahi Aadan Kulane (Jiis-Mariixaan) iyo mid kale oo Fashilmay kaasoo la doonayay in xerada Lagu tababaro Ciidamada Jubbaland ee Dhoobley.



Cabdullahi Aadan Kulane ayaa ahaa rayid aan soo marin howl ciidan, waxayse isku dhow yihiin Madaxweyne Farmaajo  taasoo keentay inuu awood ku dhex yeesho Hay’adda NISA, Intii uu joogay wuxuuna xarunta NISA ka dhigay goob uu isagu ka taliyo, kuna qabsado shirar beeleed, isagoo ku casuumay Horjoogayaal Shabab ah, dad rayid ah iyo Xildhibaano ay isku heyb yihiin, taasoo xarunta Sirdoonka  dalka la dhigay meel halis ugu jirta xaalado amni darro.


Horjooge Jiis-Mareexaan oo muddo bilooyin ah ku sugan Gobolka Gedo ayaa la sheegay inuu xiriiro qarsoodi ah la sameeyay Horjoogayaasha Shabaabka ee ka soo jeeda Beesha Mareexaan. Wuxuuna ku booriyay iney kala qeyb qaataan dagaalada looga soo horjeedo Maamulka Sheekh Axmed Madoobe ee Jubbaland.



Iyadoo la sheegay in dhinacyadaan ay isla meel dhigeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen Macluumaadka la xiriira goobaha la weeraraayo iyo in si dadban Diyaaradaha drones-ka loo adeegsado in lagu wareero Ciidamada Jubbaland ama kuwa Dowlada Federaalka ee ku sugan Degaanada Jubada hoose.

26760cookie-checkMa Dhabaa In Jiis-Mareexaan Uu Qaraxyada Ku Lug-Leeyahay