Maxaa ka Dhab ah Idaacadii Bbc-da Somali la Joojiyay Baahinteeda Beenta

Somalia news

Shacbiga Soomaaliyeed waa bulsho firfircoon oo Wararka iyo macluumaadka la xiriira wax ku soo kordha nolosha isugu gudbiya Afka, ku darsoo Dalka waxaa ka jira 81-xarumo Idaacadeed iyo tiro badan oo qiyaas beelay oo Webside-yo qaab beeleed u abaabulan ah, kuwaasoo soo gudbiya Warar maalmeedka…

Sikataba ha ahaatee waxaa la qiyaasaa in Gobol kasta uu leeyahay 5-Idaacadood oo maxali ah kuwaasoo si toos ah ama si dadban ugu xiran Idaacadaha Bbc-da & VoA qeybaha Af-Soomaaliga, wada shaqeynta Warbaahinta gudaha iyo Labadaan Idaacadood ayaa ka dhigan iney baahiyaan una gudbiyaan Shacbiga Soomaaliyeed Warar dhinac u janjeera.

Xiisadaha hamuunta ay Shacbiga Soomaaliyeed u qabaan Wararka ayaa noqday mid dhaxalsiiyay iney si fudud isku gaarsiiyaan Warar ku-tiri-ku teen ah, oo qaaarkood la mala awaalay, inkastoo ay jiraan Warar lagu kalsoonaan karo ee gudbiya macluumaad tayo leh oo ku saabsan Xaalada Amaan iyo nolol ee Dalka ku sugan yahay.

Alaah ayaa mahad oo dhan u sugnaatay mar hadiiba ay soo la soo af jaray Dacaayadii, faragelintii Sirdoonka UK (MI6) iyo beentii Bbc-da laanteeda Afka Soomaaliga laga baahin jiray, waana warar ugu wanaagsan ee Sanadka cusub la koowsaday, waxaana rajeynayaa in albaabada loo laabo VoA qeybteeda Soomaaliga mustaqbalka dhow iyo saameynta Sirdoonka CIA-da.

235030cookie-checkMaxaa ka Dhab ah Idaacadii Bbc-da Somali la Joojiyay Baahinteeda Beenta
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com