Ma Dhabaa in Khilaaf Kala Dhimasho Gaaray uu soo Kala Dhex Galay Turkiga & Somalia…

Business Science Somalia news

Macluumaad sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in Khilaaf xargo goostay uu soo kala dhex galay Dowlada Federaalka & Dowlada Turkiga, khilaafkaan ayaa salka ku haya Danaha Turkiga ee Somalia & Ethiopia, iyadoo Maamulka Xasan Sheekh uu aad u saluugay hab-dhaqanka Siyaasada Madaxweynaha Turkiga oo xitaa ku qaabili waayay Magaalada Ankara bilo ka hor…

Dagaal Mindhiciraadka u dhaxeeya Somalia & Turkiga ayaa soo bilaawday, iyadoo Dowlada Somalia ay Go’aansatay in Garoon Caalami ah oo Waqooyiga Magaalada u jirta 35-KM laguna qiimeeyay iney ku baxeyso 400-Millions US$ ay deyn ahaan u balanqaaday Dalka China laguna bixi doono muddo 10-sano ah, iyadoo laga guuraayo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Mogadisho Turkigana la caga jiideen iney maalgeliyaan mashruuca dhismaha Garoonka.

Soo Shaac Baxa Dagaalka

Dowlada Federaalka ayaa go’aansatay in Maamulka Hawada ku wareejiyaan Shirkad laga leeyahay Dalka USA Fadhigeeduna yahay Gobolka Florida, (Shirkadda Cloud AIR Navigation Service L.L.C.O.P.C), howsheeduna noqon doonta Maareynta lacag qabashada Howlaha hagida Hawada Dalka, waxaana lagu magacabaa NAV-PASS, iyadoo Howshaasi u xil saarneyd Shirkadda Favori ee Turkiga laga soo bilaabo sanadkii 2013-kii, Dowlada Turkiga oo aad uga carootay is afgaradka cusub iyo lacag qaadida ee NAV-PASS, waxaana talaabada cusub ay abuuri doonta isku dhac kale.

Xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka ayaa eedeymo u jeediyay Shirkadda Favori ee Maamusha Garoonka Diyaaradaha ee Mogadishu, wuxuuna ku eedeeyay iney ka gaabiyeen iney wada shaqeyn xisaab-Baaris lagu sameeyo Howlaha Maaliyadeed ee Shirkadaan u qabato Qaranka Soomaaliyeed.

Lama oga inuu Saameyn Khilaafkaan ku yeelan doono Baarista Shidaal iyo Maamulka Dekeda Mogadishu, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowlada Turkiga ay ku hanjabtay iney dib uga fiirsan doonto xiriirka kala dhaxeeya Somalia, waxaana laga yabaa iney joojiso dadaaladii ay ka dhex waday Somalia & Ethiopia.

341570cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf Kala Dhimasho Gaaray uu soo Kala Dhex Galay Turkiga & Somalia…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *