Tuulooyin Ka Tirsan Magaalada Beledweyne Oo La Gubay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in tuulooyin ka tirsan degmadaas ay dab qabad-siiyeen malayshiyaad hubaysan, Tuulooyinkaas ayaa sida la sheegayo waxa maalmihii u dambeeyay ka aloosnaa xiisad ku salaysan dagaal beeleed, waxaana isku hor-fadhiyay laba malayshiya-beeleed…

Goob-joogayaal diiday in magacyadooda la xusay ayaa laga soo xigtay in Shacabkii ku noolaa tuulooyinka la gubay ay isaga barakaceen, kadib markii guryahooda dab la qabadsiiyay.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan iyo Maamul Goboleedka Hir-Shabelle ayaan weli hadlin Guryaha la gubay ee ku yaal tuulooyin hoostaga magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

119250cookie-checkTuulooyin Ka Tirsan Magaalada Beledweyne Oo La Gubay