Fahad Oo Doolow Ku Wajahan

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ay sheegaya in Agaasimaha Hey’adda NISA Adeege Fahad Yasin uu Maanta ku wajahan yahay Magaalada Doolow, isagoo ka sheegay inuu uga sii gudbi doona Magaalada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo, wuxuuna la kulmayaa Saraakiisha Ciidamada iyo Madaxda Gobolka…

Xogtaan ayaa sheegeysa in xaflad soo dhoweyn ah loo qaban doono Labada sarkaal Ee Beesha Mareexaan ka soo jeeda Cabdiraahiid Janan iyo Cabaas Gurey oo ay wehliyaan Ciidamo tiradoodu lagu sheegay 200 ay ku sugan yihiin magaalada B/Xaawo, waxaana soo dhoweyntaasi ka qeyb qaadan doona Fahad iyo Jiis-Mareexaan.

Warar ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan iyo Cabaas Guray uu maalmaha soo socda u gudbi doonaan Dalka Turkiga halaasoo Sirdoonada Turkiga iyo Qadar u balanqaadeen iney ku degaameeyaan Magaalada Ankara, iyadoo Dowladda ay soo saari doonto warqad cafis ah, waxaa lagu eedeynayaa Janan dembiyo la xiriira Xuquuqda Aadanaha.

Aqoonyahannada Arrimaha Somalia ayaa Heshiiskaan Beesha Mareexaan dhexdeeda ah uu horseedi doono in dib uu u soo cusboobeysiiyo dagaal beeleed kala Beelaha Ogaadeen iyo Mareexaan, waxaanse la ogeyn Mowqifka Dowladda Kenya ka qaadan doonto, iyadoo shakiyo badan ay dul hoganayaan Kulankii Qatar Ee Wasiirada Aminga Somalia iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Ee Kenya.

104340cookie-checkFahad Oo Doolow Ku Wajahan