Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Kulamo xiriir ah oo 24-saac ee la soo dhaafay ay yeesheen Labada garab ee Isku haya Hagida Siyaasada iyo jiheynteeda, kaasoo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegay in isku soo dhowaasho iyo afagarad lagu heshiisyay…
Macluumaadkaan Oo Loo Soo dusiyay Diinah.com ayaa la sheegay iney Kulankaasi ay ka soo qeyb galeen Madaxweynaha, Gudoomiyayaasha Aqalka Sare iyo Golaha Barlamaanka iyo Kan Fulinta ( Wasiirka 1-aad), waxaana aad looga dooday Qodobadaan:-
-Sida looga gudbi karo xiliga kala guurka.
-Warbixinada Golaha Amaanka ee U.N.-ka ee la horgeeyay dhageysigeeda loo balansan yahay 21-bishaan
-Doorashada Oo mudadeeda la qabto
-Muddo Kororsi 2-sano ah (ama1-sano)
Garabyadaan ayaa laba u kala Jabay
Waxaa meel ka soo wada jeeda Mr.Farmaaje iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare, iyo Adeege Fahad, Waxeyna u muuqdaan iney ku mideysan yihiin in 2-sano oo muddo kordhin ah loo sameeyo golayaasha, isla markaasna Dowlad cusub la soo dhiso Oo Xubno Mucaaradka ah ay ka dhex muuqdaan.
Halka Wasiirka 1-aad iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed ay qabaan in Hal sano lagu kordhiyo Mudada Golaha Wasiiradaan ay sii shaqeeyaan oo ay Soo diyaariyaan shuruucada dhiman.
Xarig jiidkaan ayaa la sheegay in dhinacyadaan ay Isaga soo dhowaadeen sidii hore, iyadoo Xubno Goobjoog ahaa sheegayaan in Kheyre oggolaaday in wax lagu daro Xiliga Dowlada isagoona soo Jeediyey in Hal Sano lagu Daro xiligaana lagu dhameeyo Dastuurka iyo Sharciga Doorashada.
Is kastaba ha ahatee kala qeybsanaanta Kooxahaan ayaan la ogeyn halka uu ku dambeyn doonto waloow ay i jiid jiid kadib meel dhexe isugu imaan doonaan, lama yaqaano iney aqbali doonaan Dowlad goboleedyada iyo Xisbiyada Mucaaradka.