Ajaaniib Cusub Oo Ku Biirtay Daacish-ta Somalia..

Politics

Warbixino Sirdoon oo la soo gaarsiyay Diinah.com ayaa tilmaamaya in Tiro badan oo Ajaaniib dagaalamayaal ah ayaa ku biiray Kooxda Daacish-ta Somalia ee fadhigoodu yahay Buuraha Galgala..

Xogtaan ayaa sheegtay in tirada Shisheeyaha soo gaaray xeebaha Gobolka Bari dhowaan ayaa tiradoodu lagu sheegay 5-xubnood waxeyna 3- ka soo soo jeedaan Dalka Yemen halka 2-kale la sheegay iney u dhasheen Dalka Iraq, Xubnahaan ayaa lagu wadaa iney dardar cusub geliyaan Strategy/yada Kooxda ee Gobolka.

Maleeshiyaad cusub oo tababar adag ku qaatay xerada Baki Al/Qureyshi oo kooxdu ku leedahay Buuraha Goolis ee Gobolka Bari (Puntland), waxaana maalmahaan na soo aadan ay Horjoogayaasha kooxdu u kala diri doonaan Maleeshiyaadkaan fariisamadooda Puntland iyo Bartamaha Iyo Konfurta Somalia.

Kooxda Daacish-ta Somalia Oo la aasaasay sanadkii 2015-kii, ayaa weeraro dhiig badan ku daatay ka fulisay 2-dii sano ee ugu dambeysay degaanada Puntland, kuwaasoo 13- weerar ahaa, inkastoo Is-balaarinta kooxda ay gaabis ka noqotay Bartamaha iyo Konfurta Somalia, kadib markii Kooxda Shabaabka ay burburiyeen unugyadii ay ka dhiseen Degaanada kor ku xusan.

19540cookie-checkAjaaniib Cusub Oo Ku Biirtay Daacish-ta Somalia..