Ma Dhabaa in Kooxda Argagixisada ISIS ay Muddo 12-sano ah Dhalinyarada Kenya Ku Biiraayeen & Sababta…

Africa News Somalia news

Warbixin Sirdoon ayaa xaqiijineysa in Kooxda Argagixisada ee Islamic State ay muddo 12-sano ah shaqaaleysiinaayeen Dhalinyarada Shaqo la’aanta ku heysa Degaanada ku teedsan Xeebaha iyo Qeybaha kale, talabadaan oo sate u qaaday iney kooxdani ay unugyo ku yeelato Dalalka Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Somalia..

Wararka ayaa sheegaya in Dacwad oogaha Kenya uu Garsoorka Dalkaasi horgeeyay Eedeysane oo lagu magacaabo Mohamed Abdi Ali, alias Abu Fidaa ama Abu Shuhadaa, kaasoo Kooxda Islamic State u qaabilsanaa Qorista Dhalinyarada Kenyan ah gudaha Dalkaasi iyo Xabsiyada, waxaana la qabtay sanadkii 2016-kii, ilaa haatana xukun suge ku ahaa Xabsiga, ayaa lagu xukumay 12-sano oo xariga ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa Horgoojahaan Maxkamada weydistay in lagu xukumo 90-sano oo xariga ah kadib Eedaha culus ee lagu oogay Dambiilahaan, Dalalka Kenya & Somalia ayaa muddo sanado ah waxey dagaalo kula jiraan kooxaha Argagixisada kuwaasoo degaano badan oo dalalkaasi ay maamulaan isla markaasna Baad ka qaadaan Ganacsatada iyo Shirkadaha si ay ugu maalgashtaan Howlahooda argagixisada.

327950cookie-checkMa Dhabaa in Kooxda Argagixisada ISIS ay Muddo 12-sano ah Dhalinyarada Kenya Ku Biiraayeen & Sababta…