Madaxweynaha Somalia Oo Ka Hadlay Xiriirka Wada-shaqeyneyd ee kala Dhaxeeya Maamulada Gobolada..

Somalia news

Inkastoo Maamulka Puntland uu xiriirkii wada shaqeyneyd ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka uu muddo ku dhawaad 2-sano uu hakad ku jiray, kadib markii Hogaamiyaha Maamulkaasi (Dani) uu ku amray Wasiiradiisa ineysan Fasax ka’aan tegi karin Caasimada Somalia ee Mogadishu, talaabadani oo horseeday in Dhaqaalihii iyo maalgelinta Mashaariicda ay hakad galaan..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saarey war saxaafadeed uu uga hadlaayo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxaana uu sheegay in xiriirku uu wanaagsan yahay guulo waaweyna la gaarey mudadii labada sano ahayd ee uu xilka hayey.

Qoraal uu soo saaray ayuu hoosta ka xariiqay in xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalku aanu fiicneyn, laakiin uu si weyn isugu dayey in xiriirka la hagaajiyo, ugu dambeyn ayuu ku baaqey in aan dowlad Goboleedyadu aysan siyaasadeyn arrimaha Deeqaha, Maslgelinta Mashaariicda, Arrimaha Masiiriga ah ee Dalka sida Midnimada, Amniga iyo Madaxbanaanida Dalka.

Maalgelinta Mashaariicda iyo Khilaafka Siyaasadu iskuma xirna?

Waxaa marqaati ma doonta ah in Maamulka Puntland ay muddo Sanooyin badan qeyb ka aheyd (Country System) kaasoo guud ahaan maalgelinta Mashaariicda iyo Deeqaha Dalka la siiyo ay hoos imaanaayo Dowlada Federaalka, Maamulka Deni ayaa dood ka keenay in aan la isku xiran, Iyadoo Kulankii Nairobi loogu sheegay in labada sano ee hartay ay aqbasho Nidaamkaasi oo ay ku qaadato Mashaariicda hada u diyaarsan, kana qeyb gasho Kulamada GWQ wayna ogolaatay, Haatan Wasiirada Puntland ayaa Deni u fasaxay iney ka qeyb galaan Kulamada Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada.

323250cookie-checkMadaxweynaha Somalia Oo Ka Hadlay Xiriirka Wada-shaqeyneyd ee kala Dhaxeeya Maamulada Gobolada..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *