Ma Dhabaa in Liiska Xildhibaanada Mooshinka Gudbiyay ay Been Abuur u Badan Yihiin..

Politics Somalia news

Xogo loo qaateen ah oo laga helay Villa Hargeysa ayaa xaqiijinaaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Madoobe uu garwaaqsaday in “Mooshinka” ka dhanka ah Wasiirka Arrimaha Dibeda Mr.Axmed Macallin Fiqi ee shalay lagu wareejiyay Xafiiskiisa uusan wadin saxiixayaasha saxda ah ee sharciga ah…

Wararka ayaa sheegaya in Koox yar Oo Xildhibaano ah ay ka been abuurteen Magacyada Liiska ku qoran, waxaana la sheegayaa iney siyaasada ka dambeysaa Moshinkaan ay tahay in Xildhibaanadaan oo qaarkood u shaqeeya Sirdoonka Ethiopia halka kuwa kale la xaqiijiyay in Wasiir Fiqi uu ka hor istaagay iney la siiyo Baasaboorada Diblomaasiga iyo kan Shaqada oo ay Dadka ku tahriibin jireen.

Dowlada Federaalka oo xiligaan adag ku guda jirta dagaal saddex geesood ah:-

-La dagaalanka Argagixisada Shabaabka.

-Ethiopia oo damaceedu yahay iney Xeebaha Somalia xoog ku qaadato.

-In laga hortago khaa’inul waddan Soomaaliyeed oo u shaqeeya wakiillada shisheeye, Shacbi ahaan waa in aan isku abaabulnaa baraha bulshada oo aan ku cambaareyno, hal cod, kuwaan hab-dhaqankood yahay hunguri iyo shosheeye kalkaal isla markaasna aan garab istaagno Dowladda Federaalka.

344860cookie-checkMa Dhabaa in Liiska Xildhibaanada Mooshinka Gudbiyay ay Been Abuur u Badan Yihiin..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *