Xiisad Xoogan Oo U Dhaxeysa Gudoonka Baarlamaanka & Maamulka Deni ee Puntland…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah oo laga helay dhinacyo kala duwan ayaa xaqiijinaaya in khilaaf iyo xiisad xoogan ee ka dhex tafan tahay Gudoonka Baarlamaanka iyo Maamulka Deni ee Puntland, xiisadan ayaa salka ku heysa Dhismaha Xarunta Baarlamaanka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Madaxtooyada Puntland ayaa ku wargelisay Guddoonka Baarlamanka iney xarunta u baneeyaan guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada 2024 si ay halkaasi ugu shaqeeyaan, waxaase ka hor yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka iney xarunta ku wareejiyaan Guddiga oo ay ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn islamarkaana aysan aqoonsanayn.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada ay ku hawlan tahay iney ciidamo ka baxsan kuwii hore geyso dhismaha Baarlamanka si xoog looga saaro Shaqaalaha iyo Gudoonka Baarlamanka looguna wareejiyo guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada, talaabadaani ayaa u muyqata mid sii fogeyn karta xiisada taagan.

293600cookie-checkXiisad Xoogan Oo U Dhaxeysa Gudoonka Baarlamaanka & Maamulka Deni ee Puntland…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com