Fal-celin isugu jirta Carro & Amaan ayaa ka Dhalatay Gargaar ay Kenya ugu Deeeday Somalia

Africa News Somalia news

Saacadihii ugu dambeeyay, waxaa baraha bulshada Soomaalida qabsaday doodo adag oo Caro & Amaan ka dhalatay kadib markii Diyaarad kuwa Ciidamada Cirka Kenya ay keentay Caasimada Mogdishu Gargaar isugu jir Noocyo kala duwan Oo Raashin iyo Dawooyin loogu deeqay Dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxyadii 29-kii Oktoobar..

Doodaan ayaa la sheegay iney Soomaalida ku kala qeybsameen, iyadoo ay sidoo kale la yaab noqotay in aan Dood laga keenin gargaarkii Dowladaha Djibouti iyo Ethiopia, inkastoo Dalka Kenya ay Cuni yari baahsan ka jirto hadana waxey ku dhiiradeen iney gargaar gaarsiiyaan Deeriskooda Somalia, waana talaabo mudan dhiiri gelin laguna xoojinaayo xiriirka labada Dal.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saareen Ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in shixnadaan ay isugu jiraan gaargaar Raashinniyo noocyo kala duwan oo dawooyin ah, Dadaalkaan ayaa dhaliyay dareeno kala duwan dhanka baraha bulshada, iyadoo Dadka qaarkiis ay aad u amaaneen halja kuwo kale ay dhaleeceeyeen inkastoo aysan sababeyn.

223480cookie-checkFal-celin isugu jirta Carro & Amaan ayaa ka Dhalatay Gargaar ay Kenya ugu Deeeday Somalia