Share the post "Ma Dhabaa in Maamulka Somaliland & Hey’adda UNDP ay Iskaashadeen Sidii Xayiraad loo Saari Lahaa Gobolka Awdal.."
Macluumaad ayaa laga helayaa sida ku cad Fariin qoraaleed oo Email ah oo ay Howlwadeenada Hey’adda UNDP u dirtay Shaqaalaheeda iyo ka qeyb galayaa kale in la joojiyay ku qabashada Siminaarka Hoteel ku yaal magaalada Boorame sababo la xiriira culeys saar ka yimid Maamulka Hargeysa..
Xogtaan ayaa xaaiijisay in Maamulka Muuse Biixi uu Saraakiisha UNDP ee Somalia culeys ku saaray in Siminaarka loo wareejiyo Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, sababo la xiriira xagga Amaanka, iyadoo horey u bixiyeen oggolaashaha ku qabashada Siminaarka magaalada Boorame, Siminaarkaan ayaa lagu waday iney ka qeyb galaan dhamaan howlwadeenada iyo Shaqaalaha UNDP ee Somalia.
Siminaarkaan ayaa lagu wadaa in la qabto Bisha Agoosto Bartamaheeda, joojinta deg deg ah ayaa la sheegay iney tahay in Maamulka Muuse Biixi uu lumiyay gacan ku heynta magaalada inkastoo aysan xiligaan ka taagneyn magaalada xiisado colaadeed balse Shacbiga Degaanka ayaa si mideysan uga hor yimid Heshiiskii ay wada saxiixdeen Maamulka Hargeysa & Ethiopia horaantii Sanadkaan.