Maxey Hey’adaha Amaanka Wax uga Qaban La’yihiin Mowjadaha Qaraxyada & Dilalka ee Shirkadda Hormud..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax lagu dilay Shaqaale ka mid ahaa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Muqdisho, qarax khasaare geystay oo Sabtidii ka dhacay xaafadda Huriwaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo silsilada Qaraxyada lagu weeraro Shaqaalaha iyo Hantida Shirkadda ay kordhern 3-bilood ee u dambeysay..

Wararka ayaa sheegay in Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ku sii jeeday xarunta shirkadda, waxaana qaraxan ka dhashay khasaare dhimasho oo soo gaaray Marxuum C/wahaab Cismaan Axmed, halka 2-kale oo ka tirsan shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom uu dhaawac soo gaaray, waxaana hadda lagu daweynayaa Isbitaalka.

Silsilada Qaraxyadaan ayaa ku soo beegmaysa 10 maalmood oo kaliya kadib markii qarax kale lala beegsaday gaari ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo marayay deegaanka km-13 ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo qaraxan uu ka dhashay geeri naxdin leh oo 13-kii bishan ku timid Howlwadeen sare oo ka tirsan laguna magacaabi jiray Axmed Cumar Cabdulle, ku darsoo iyadoo qaraxan uu ka dhashay geeri naxdin leh oo 13-kii bishan ku timid Howlwadeen sare oo ka tirsan laguna magacaabi jiray Axmed Cumar Cabdulle, Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday xarumaha shirkadda ku lahay Xero-Jarmal (Xaruntii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) sida laga soo xigtay ilo Amaan,

Howlwadeen magaciisa ka gaabsaday in la baahiyo ayaa sheegay in weeraradan aysan ahayn dhacdooyin gooni-gooni ah, Intii lagu guda jiray bilihii Octobar iyo November, qaraxyo xiriir ah ayaa lala beegsaday xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee gudaha Magaalada iyo daafaheeda, Waxaa ka mid ah qarax bam oo lagu burburiyo Xafiisyo iyo Xarun isgaarsiineed oo ku taal xaafadda Garas Baaley 16-kii bishii November, iyo sidoo kale qarax kale oo ka dhacay degaanka Muusaley ee degaanka Ceelasha Biyaha.

295470cookie-checkMaxey Hey’adaha Amaanka Wax uga Qaban La’yihiin Mowjadaha Qaraxyada & Dilalka ee Shirkadda Hormud..