Ma Dhabaa in Villa Somalia Qabanqaabineyso Kulan ay la yeelato Siyaasiyiinta Mucaaradka..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in kadib markii uu yaqiinsaday in Maamulka Xadan Gurguurte mudadii Halka sano iyo dheeraadka jirsaday uu kasbaday Mucaaradad badan iyo in Maamulka uu ku koobay Kaadiriintiisa (Demu jadiid) isla markaasna ay fadhiid noqotay ayaa hadda dalbanaaya inuu la kulmo Garabyada Mucaaradka si wax loo saxo..

Waxaa lagu wadaa in Siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar A. Sharma’arke, C/wali M. Gaas iyo Xasan A. Khayre iney soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan wada-hadallada la wada sugayo ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda mucaaradka.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Villa Somalia ayaa lagu wadaa in ay isugu yimaadaan siyaasiyiin miisaan leh oo ka kala socda kooxaha siyaasadda dalka, si wax looga qabto caqabadaha siyaasadeed ee taagan, isla markaana la iskula meel dhigo xiisadda taagan ee la xiriirta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Waa Talo Wanaagsan in laga tashto Masiirka iyo Siyaasada Dalka balse laga wada qeyb geliyo dhamaan Dhinacayada ay Khuseyso, laakiin waxaa shaki laga muujinayaa sida loo aini karo Xasan Gurgurte, maxaa yeelay waa Siyaasi isbedel badan, Villa Somalia waxa ay doonaysaa iney qaadato Nidaamka laba Xisbi, saami qaybsiga liiska xiran oo aanay jirin Nidaam Xisbiyo madax-banaan iyo wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka DFKMG oo lagu daro Madaxweyne ku xigeen bedelkii RW.

265290cookie-checkMa Dhabaa in Villa Somalia Qabanqaabineyso Kulan ay la yeelato Siyaasiyiinta Mucaaradka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com