Share the post "Ma Dhabaa in Madaxda Shirkadda DP World Mogadishu Looga Yeeray & Sababta.."
Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa cabasho ay Dowlada Federaalka u gudbisay Mas’uuliyiinta Dowlada UAE kuna aadan fara gelinta joogtada ah ay ku heyso Arrimaha Somalia gaar ahaan Maamulka DP World oo la xaqiijiyay inuusan Heshiiska ay Shirkadda la gashay Maamulada Domaliland iyo Puntland uu yahay mid aan Sharci ku dhisneyn..
Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin Sare oo la socota Shirkada DP WORLD ayaa la filayaa iney dhowaan soo gaaraan magaakada Mogadishu si ay ugala hadlaam cabashada Dowlada Federaalka ee ku saabsan Dekedaha Berbera iyo Boosaaso, iyo xadgudubyada ay geysanayaan, iyadoo Maamulkii Cabdiweli Gaas uu u saxiixay Shirkada DP World sanadkii 2017-kii 30-Sano iney maamusho.

2020-kii tiro Xilfhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa shirkadda DP World ku eedeeyay iney jabisay Heshiiskii (qandaraaskii) dekedda Boosaaso, Colaadda Sool ee 2023-ka ayaa u muuqatay mid carqaladaynaysa istiraatijiyadda DP World ee ku aaddan ilaalinta Dekedda Boosaaso door hoose oo ay ku leedahay Dekedda Berbera, taasoo si weyn ugu tiirsan helitaanka suuqyada gobollada kale ee Somalia, Shirkadda DP World ayaa doonaysay inay la wareegto maamulka dekedda Garacad, taasoo ay u aragto inay tartan muhiim ah kula jirto Dekedaha Boosaaso & Berbera.
Dowladda Federaalka ah ayaa waxay la tashatay Aqoonyahano sharciga ku xeel dheer si dib u eegis loogu sameeyo heshiisyada Shirkadda DP World ay la galeen 2-da Maamul ee Somaliland iyo Puntland,” ayuu yiri qareen ku sugan Muqdisho, Waxaana la xaqiijiyay in Heshiisyada ay wiiqayaan Awooda Dowlada Somalia xadgudubna ku ah Qaranimada Somalia, waxaana la soo jeediyay in la buriyo heshiisyadaasi.