Tuhun & Shaki Hareeyay Duulimaad ay Diyaarada Halla Airlines ku Tagtay Dalka Israel

Somalia news

Warar is khilaafaan oo shaki hareeyay ayaa laga helaayaa Duulimaad ay diyaarad u diiwaan gashan Shirkadda Halla Airlines ku tagtay xalay saqdii dhexe garoonka Diyaaradaha ee Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv ee Dalka Israel…

Wararka ayaa sheegay in Diyaarada Halla Airlines oo ka diiwan gashan Dalka Kenya (5Y-CJQ) nooceedina yahay Boeing 737-200, isla markaasna ku howlgasha magaca Somalia airlines gudaha Dalka, ayaa xalay saqdii dhexe ka degtay Tel aviv airport, iyadoo ku duuleysa sumada dalka Iraq ee Mode-S code #72861A, iyadoo tuhun badan uu ku xeeran yahay Duulimaadka.

Diyaaradaan ayaa duulimaayaadyo ku kala bixisa magaalooyinka Boosaaso, Garoowe, Kismaayo iyo Mogadishu Somalia, Nairobi Kenya, Kampala Uganda, Djibouti Djibouti, Dubai UAE, Adan Yemen, waxaana iska leh Gsnacsade Ibraahim Nuur Hilowle oo degan kana ganacsada Dalka Kenya.

191770cookie-checkTuhun & Shaki Hareeyay Duulimaad ay Diyaarada Halla Airlines ku Tagtay Dalka Israel