Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Qorqor Iyo La-Taliyayaahiisa

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa in Laba ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus maamulka Galmudug ay qarka u saaran yihiin inay is-casilaan, kadib markii Mr.Qorqor ay ku eedeeyeen inuu isku dhiibay Mr.Farmaajo iyo Adeege Fahad….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Mr.Qorqor uu ku dhaqaaqay talaabooyin lama filaan aheyd kadib markii uu furay shirka Dhuusamareeb-3 oo ay ka maqan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, waxaana soo baxay in sidoo kale uu madaxweyne Farmaajo ka ogolaaday muddo kororsi iyo in Ergo uu Hogaaminaayo Mr.Cabdi Qeybdiid loo diray Magaalada Garoowe si uu u soo qanciyo Hogaanka Puntland.

ilo-wareedkaan ayaa Diinah.com news u sheegay, in Wasiirka Amniga Galmudug Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Dekedaha iyo Kaluumeysiga Xildhibaan Saabir Shuuriye ay wax aan la aqbali karin ku tilmaamay tallaabada fuduudka badan ja muuqato ee uu qaaday Mr.Qor Qoor.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Aqoonyahannada iyo Waxgatarka Galmudug ka soo jeeda ay rumeysan yihiin in Qor Qoor uu saacado gudahood uu ku lumiyay sumcaddii iyo sharaftii ay Dadka degaanka Galmudug wax ka yar bil ka hor ku heshay isku keenidda dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya, ee muujisay inay noqon karta midda dalka bad-baadi.

55330cookie-checkKhilaaf Soo Kala Dhex Galay Qorqor Iyo La-Taliyayaahiisa