Ma Dhabaa in Maleeshiyaadka Shababka ay Weerar ku Qaadeen Degaanka Wargaadhi..

Domestic News Security Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa weerar aroortii hore ay Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka ku qaadeen Tuulada Wargaadhi oo ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe, Degaanka ayaa fariisin u aheyd diyaaradaha Drones-ka kuwa sahanka ee Beyrakdar ee Turkiga farsameeyo..

Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya Maleeshiyaad Degaanka ah iyo kooxda argagixisada Shababka Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada ay ku leeyihiin degaankaasi, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Dagaalka ayaa lasoo warinaya in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan oo qaarkood dhawaqooda laga maqlaayo degaano ka fog, iyadoo degaanka ay ka howlgalaan diyaaradaha Drones-ka, iyadoo ilaa hadda aan la ogeyn khasaaraha kala gaaray.

369390cookie-checkMa Dhabaa in Maleeshiyaadka Shababka ay Weerar ku Qaadeen Degaanka Wargaadhi..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *