Maamulka Gooni Gooska Waqooyiga Somalia oo Ka Carooday Bayaanka Dalalka G7-ka..

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibeda ee Maamulka Gooni goosadka Waqooyiga Somalia ayaa si aday caro uga muujiyay war-saxaafadeed ka soo baxay Dalalka ku bahoobay Gruop-ka G7 oo lagu sheegay in degaanada maamulkaasi yahay Gobol ka tirsan Somalia loona baahan yahay in ilaaliyo…

Qoraalka ayeey ku sheegeen in “Marka hore waxa Maamul iyo Shacabka si xoog leh uga careysan yihiin luuqada uu xambaarsanaa warmurtiyeedkii ay soo saareen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka G7, kaasoo Somaliland ku tilmaamay “inay tahay Gobol ka tirsan Degaanada Somalia.

“In lagu tilmaamo Somaliland gobol ka mid ah Somalia iyo in magacyo la iska abuurto, la iskuna dayo in la tirtiro taariikhddu ma beddeli karto xaqiiqda iyo waaqiga dhabta ah” ayuu sii raaciyay qoraalka ka soo baxay Waaxda arrimaha dibadda Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale qoraalkaasi ku tiri “in Qarannimada Somaliland ay tahay lama taabtaan aan laga gorgortami karin, waxana Xukuumadda Somaliland ay si adag u diidan tahay iskuday kasta oo lagu wiiqayo himilooyinka iyo rabitaanka nabdoon ee shacbigeeda.”

322460cookie-checkMaamulka Gooni Gooska Waqooyiga Somalia oo Ka Carooday Bayaanka Dalalka G7-ka..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *