Share the post "Ma Dhabaa in Maleeshiyo-Beeleed Puntland Gadoodsan ay Jareen Xargaha Internet-ka Golis & Sababta.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal carqaladeyn ah oo ay fuliyeen Maleeshiyo beeleed hubeysan oo gadoodsan kuwaasoo la sheegay iney habeen hore la wareegeen Xarumaha shirkadda Golis ee ku yaalla Degmada Burtinle ee Puntland..
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in falkaan ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkani ay sababtay in khadka Internertka ee Shirkadda Golis uu saacado badan ka maqnaado Degaanada ay ka mid yihiin Burtinle, Gaalkacyo, Xarfo, Galdogob iyo Bursaalax, kuwaasoo xargaha Internertka u kala gudbiya Goboladda Nugaal iyo Mudug.
Ficillada Maleeshiyaadka ayaa sanadahaan aad ugu soo kordhaayay Degaanada Puntland, iyadoo Dhawaan markii sidaan oo kale ay Maleeshiyaad la wareegeen Dugsiga sare ee degmada Burtinle, kadib markii ay bulshada degmada qaarkood diideen maamule ay wasaaradda waxbarashada Puntland u magacawday Dugsigaasi, waxaana la sheegay in Xiriir ka dhexeeyo khilaafka Iskuulka iyo arinta shirkadda Golis lagu beegsaday.