Bangiga Dhexe Oo Ka Hadlay Bangiyo La Xiraayo

Somalia news

Kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay soo ifbaxeen warar la xiriira in Bangiyada qaarkood lagu soo Rogi doono Cunaqabateyn iyo in xiro doono, isla markaasna dhaqaalaha ka yaala kala baxaan, talaabadaan oo lagu faafiyey baraha bulshada qaarkood….

Bankiga Dhexe oo ah hay’adda u xilsaaran Dowladda Federaalka ah ruqsad bixinta iyo kormeeridda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ayaa sheegay in aanay jirin wax cunaqabateyn amba culays ah oo haysta Bangiyada ganacsi ee gaarka loo leeyahay ka jira dalka.

Wuxuuna soo saaray Wargelin u qorneed sidaan:- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya warar been-abuur ah oo maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Baraha Bushada ee Soomaalida (Social Media), kuwaas oo looga beensheegayo Bankiyada dalka qaarkood, haddaba Bankiga Dhexe wuxuu guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan macaamiisha bankiyada Soomaaliyeed u caddeynayaa.

-In Bankiga Dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan.

-In aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay banki ka mid ah Bankiyada dalka.

-Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe ee Somalia

68020cookie-checkBangiga Dhexe Oo Ka Hadlay Bangiyo La Xiraayo