Dowladda Sacuudiga Oo Diiday Iney Caawino U Fidiyaan Farmaajo

Somalia news

Ilo Wareedyo ogogaal ah ayaa sheegay, Dowlada Sacuudiga ayaa ku gacan sayrtay codsi iga yimid Madaxweynaha Xilka kororsaday ee Somalia, kaasoo salka ku haya baahida dhaqaale, kadib markii Saaxiibada Somalia ay joojiyeen dhaqaalihii ay ku caawin jireen…

Wararka hordhaca ah ayaa Sheegaya in Codsigaan in Madaxweynuhu codsigsaan gudbiyay u Ururka Jaamacada Carabta iyo Dalalka Khaliijka kana dalbaday in taageero dhaqaale la la soo gaaro, waxaana lagu sababeeyay in Maamulka Villa Somalia ay ka cabsi qabaan in Dalalka taageera Somalia ay Cunaqabatayn dhaqaale saari doonaan hadii aysan si deg deg ah uga laaban Wakhtiga ay kororsadaan.

Dagaalkii Siyasadeed u dhaxeeya Villa Somalia iyo Dalalka Khaliijka, ayaa soo taagnaa kadib markii Farmaajo uu la saftay Dowladda Qatar Talaabadaasi oo aad uga careysiisay Xulafada Sacuudiga iyo Emaaraatka, waxaana muuqata in Sacuudiga aysan Si fudud ku hilmaami karin, halka Madaxweyne Farmaajo la sheegay inuusanba warba u heynin.

111620cookie-checkDowladda Sacuudiga Oo Diiday Iney Caawino U Fidiyaan Farmaajo