Ma Dhabaa in Markab Dagaal Oo Ethiopia Leedahay uu ku Wajahan yahay Dekada Berbera & Sababta..

Africa News Security Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Barwo ama u yeerid ay u direen Maamulka Addis abeba Horjoogaha Maamulka Waqooyiga Somalia, iyagoo culeys ku saaray inuu deg deg u gaaro magaalada Addis abeba si looga wada hadlo arrimaha Doorasha degaanka iyo Isbaheysiga cusub ee lagu dhisay magaalada Asmara…

Xuuraano la helay ayaa tilmaamaya in Maamulka Muuse Biixi oo rajada dib u doorashada hoos u dhacday todobaadkaan kadib markii ay ay Heshiis wada gaareen Odayaasha Dhaqanka Beelaha Habar jecli iyo Habar Yoonis si loo taageero Musharaxa Xisbiga Wadani Mr.Cabdiraxmaan Cirro, ayaa la sheegaya in Mr.Muuse Biixi uu Ethiopianka ka codsan doono in Ciidamo Ethiopian ah degaanada la keeno si doorashada loo hakiyo isla markaasna Heshiiskii Is-afgaradka ahaa la dhaqan geliyo.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Markab dagaal oo Ethiopia ay leedahay lagu arkay xeebaha Degmada Seylac wuxuuna u socda Dekada Berbera ee Somalia, talaabadaan oo u muuqata mid daandaansi ah ayaa waxaa aad uga carooday Dowlada Mareykanka igana digtay Ethiopia iney joojiso fara gelinta iyo carqaladeynta ay ku heyso arrimaha Somalia, waxeyna soo dhaweysa Heshiiska 3-Geesoodka ah ee u dhaxeeya Egypt, Eritrea iyo Somalia.

Dhanka kale, Warar ayaa sheegaya in Dowlada Egypt ay dhawaan Magaalada Mogadishu soo gaarsiin doonto Markab Agab Ciidam iyo Saanad u sida Ciidamada Dowlada Federaalka, iyadoo sidoo kale Tababar u furi doonta 200-Saraakiil iyo Saraakiil kuxigeeno ka tirsan Ciidamada Madaafiicda Goobta.

346200cookie-checkMa Dhabaa in Markab Dagaal Oo Ethiopia Leedahay uu ku Wajahan yahay Dekada Berbera & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *