Wasiirka 1-aad ee Dowladda oo Casumaad u Fidisay Hogaanka Siyaasada SSC-Khaatumo…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku casumay Hoggaamiyaha SSC Mr.Cabdulqaadir Axmed (Firdhiye) sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyi loo qaateen ah oo ku dhow Xafiiska Madaxtooyada…

Wararka ayaa sheegaya in Madaxa Golaha Fulinta SSC-Khaatumo ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqdo Muqdisho kadib Casumaadda uu ka helay Ra’iisul wasaare Xamse, sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Wakiilada Beesha Caalamka gaar ahaanna Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Deeq-bixiyaasha ku sugan Muqdisho.

Warar kale ayaa sheegaya in Xoogaga Xasilinta SSC-Khaatumo oo hawlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay magaalada Laascaanood ayaa lagu soo qabtay shakhsiyaad ku eedaysan in aysan u hoggaansamin Amarada Maamulka sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Dhanka kale, Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu bilowga Todobaadkaan dib ugu laabto Puntland kadib in ka badan 45 cisho oo uu ku maqnaa safar dibadda ah, isagoo uu dhawaan booqan doono magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo iyo sidoo kale jiidda Gumeys oo ay ku sugan yihiin Xoogaga Beesha Daarood.

279840cookie-checkWasiirka 1-aad ee Dowladda oo Casumaad u Fidisay Hogaanka Siyaasada SSC-Khaatumo…