Maleeshiyaadka Argagixisada Shababka Oo Weeraray Saldhig Boliis

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saaka aroortii hore qiyaastii 5,00 aroornimo lagu qaaday saldhigga Boliiska Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, kaasoo ay qaadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Shabaabka..

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaani uu ku bilowday qaraxyo nooca Bambada ah (F-1-ka) oo marka hore lagu tuuray Dhismaha Saldhigga, waxaana kadib xigay dagaal toos ah, iyadoo Askarta Ilaalada ka aheyd Saldhiiga ay Rasaas kaga jawaabeen, Ma cadda khasaaraha ka dhashay Weerarkaan iyo is-rasaaseynta xigtay, waxaa la sheegay in xaaladdu ay tahay mid degan.

Kooxaha Argagixisada ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso Fariisimada Ciidamada Dowladda ee ku yaala magaalada Muqdisho, waxayna horay u weerartay ciidamo ku sugnaa agagaarka KPP iyo kuwa kale oo lagu qaaday saldhigyo kale oo Boliis.

246840cookie-checkMaleeshiyaadka Argagixisada Shababka Oo Weeraray Saldhig Boliis