Ma Dhabaa In Saraakiil Ciidamo Oo ka Socda Sacuudiga & Egypt ay Mogadishu soo Gaareen..

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Wafuud Saraakiil Ciidamo oo kala socda Dalalka Sacudiga iyo Egypt ayaa todobaadkaan soo gaaray magaalada Mogadishu kuwaasoo booqasho ku tagay Xarunta Wasaarada Gashandhigga iyo Dugsiga Tababarka ee Gordan oo horey u maamuli jireen UAE…

Wararka ayaa sheegaya in Wafdiyaan ay qeyb ka yihiin Hirgelinta Heshiisyo Iskaashi Ciidamo oo Wasaarada Gaashandhiga la gashay Dalalkaani, Saraakiidha Dalalkaan ayaa la xaqiijiyay iney aad u daneynayaan sidii Somalia ugu soo diri lahaayeen Tababarayaal Ciidamo isla markaasna uga qeyb qaadan doonan dib u dhiska Ciidamada Xoogaga Dalka.

Khubarada Arrimaha Ciidamada ku xeel dheer ayaa aaminsan in Heshiiska Iskaashi ee Dowlada Federaalka la gashay tiro Dalal badan aysan wax micno ah ku fadhin maxaa yeelay Tababarayaal kala duwan waxey abuuraan jah-wareer iyo in Ciidamada Howlgelintoodu dagaalada ay dhibaato ka timaado, waxeyna ku taliyeen in Macallimiin Soomaali ah waa joogaan Dalka in loo xil saaro tababarada Dalalkana Heshiisyada Iskaashiga Ciidamada la la galaayo lagu koobo Qalabka iyo Tababarkiisa.

340510cookie-checkMa Dhabaa In Saraakiil Ciidamo Oo ka Socda Sacuudiga & Egypt ay Mogadishu soo Gaareen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com