Ciidamo ka tirsan Boliiska ATMIS Oo soo Gaaray Magaalada Muqdisho 

Africa News Somalia news

Waxaa soo gaaray garoonka Diyaaradaha magalaada Mogadishu qeybo ka tirsan Ciidamada Boliiska ATMIS ee Howlgalada Midowga Africa kuwaasoo ka soo jeeda Dalka Nigeria, Ciidamadaan ayaa bedel ku yimid, iyadoo kuwii kale oo howshooda dhameystay ay dib ugu laabteen Dalkooda..

Wararka ayaa sheegay in Ciidamadaan oo tiradoodu lagu sheegay 160-Sarkaal oo ka tirsan Boliiska Nigeria, waxeyna taageero dhanka Amniga, Tababarada iyo la-talinta u fidin doona Boliiska Soomaaliyeed si waafaqsan qorshaha kala guurka ee Dalka, sida uu sheegay Sarkaal u hadlay ATMIS.

Sida ku cad Qaraarka Golaha Amaanka loo ee Qaramada Midoobay, Qaybta Boliiska ee ATMIS waxay yeelan doontaa 1,040 Shaqaale ah, oo ay ku jiraan shan Unug Boliis oo la Sameeyay, waxayna sii hayn doonaan tiradaas illaa Diseembar 2024.

200930cookie-checkCiidamo ka tirsan Boliiska ATMIS Oo soo Gaaray Magaalada Muqdisho