Faa’idooyinka Cabitaanka Qajaarka Iyo Inta Koob Ee Maalintii la Cabi Karo..

Somalia news

Cabitaanka qajaarku mid nafaqo ahaan hodan, waxaana ka buuxa fitamiinnada K, C iyo A iyo macdanaha potassium iyo calcium. Waxaa kaloo ku badan ganka (fibre). Ragga waxaa lagula taliyaa inay cabbaan 3 koob oo cabitaanka qajaarka ah maalin kasta, halka dumarkuna lagula taliyo in ay cabaan 2-koob iyo bar maalin kasta…

Sun-Saarista Jirka:

Qajaarku waxa uu qani ku yahay biyo, taasoo ka dhigaysa dawo dabiici ah oo lagula tacaali karo fuuqbaxa ama daalka. Sida oo kale, qajaarka waxaa ku jira nafaqooyin jirka ka nadiifiya sunta.

Hoos u dhigista stress-ka:

Qajaarku waxa ka buuxo Vitamino, gaar ahaan Vitaminada B, sida Vitamin B1, Vitamin B5 iyo vitamin B7. Vitaminadani waxay dejiyaan habdhiska neerfaha waxayna yareeyaan argagax qabadka iyo stress-ka ka dhasho walwalka.

Caafimaadka maskaxda:

Qajaarka waxaa ku jirta maado liddi ku ah hurka oo loo yaqaanno “flavonoid” taas sare u qaadaa caafimaadka maksaxda. Maadadani waxay kobcisaa isku xirnaanta unugyada maskaxda waxay xoojisaa xasuusta, waxayna unugyada maskaxda ka ilaalisaa dhaawaca la xiriira gabowga.

Caafimaadka Dheefshiidka:

Qajaarku waxa uu hodan ku yahay biyo iyo ganka horay ka milma. Wuxuu uroon yahay dheefshiidhka, waxaana uu ka hortagaa laab jeexa. Sida oo kale, qajaarka wuxuu hoos u dhigaa heerka pH-ta ee caloosha waxaana uu la dagaallamaa calool istaagga.

Ka hortagga lafo beelka:

Macdanaha ay ka mid yihiin copper, calcium, magnesium & potassium ee ku jira cabitankan, waxay ka dhigaysaa mid ugu uroon caafimaadka lafaha, Cabitaanka qajaarka oo si joogto ah loo cabbo waxay ka hortagtaa cudurka lafo beelka ee loo yaqaanno “osteoporosis” oo dumarka ku badan iyo cilladaha kale ee lafaha ee da’da la xiriira.

Caafimaadka wadnaha:

Maadada potassium ee ku badan qajaarka waxay nidaamisaa heerka cadaadiska dhiiga, Sida oo kale, ganka ku jira qajaarka, waxa uu ka hortagaa in kolestaroolka uu ku uruuro halbowleyaasha iyo in halbowleyaashu ay xirmaan.

Sidee loo Diyaariyaa:

Waxaa loo baahan yahay inaad isku shiido

  • 3 Xabo Qajaar ah
  • Liin dhanaan
308070cookie-checkFaa’idooyinka Cabitaanka Qajaarka Iyo Inta Koob Ee Maalintii la Cabi Karo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com