Ma Dhabaa in Tiro Badan Oo Macallimiin Waxbarasho Looga Yeeray Degaanada Shababka ka Taliyaan & Sababta..

Education Security Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Dhawaan ay Horgalada kooxda Argagixisada Shababka ay Magaalada Mogadishu ka qaateen Tiro Badan oo Macallimiin Wax ka dhiga Dugsiyada Magaalada Mogadishu, kuwaasoo la xaqiijiyay in Siminaar wacyi gelin ah loo sameeyay…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in tirada Macallimiinta loo yeeray ay tiradoodu kor u dhaafeyso 200-Macallin, waxeyna Horjoogayaasha kooxdu ku qasabtay iney tagaan Tuulada Tawakal oo siminaar wacyi gelin ah loogu sameeyo muddo 10-Maalmood ah & ka badan, iyadoo Macallimintaan si dhuumaleysi ah uga baxay magaalada Migadishu, iyagoo raxan-raxan u socda kana kireystay Caasiyaal.

Wararka ayaa sheegaya in Markii laga reebo tiro kooban oo Macalimiintaasi ay dib uga soo laabateen magaalada Muqdisho Shaqadoodiina dib u bilaabay, xuuraano la helay ayaa sgeegays in intooda badan inay ku xayiran yihiin dhulka howdka ah ee Tuulada Tawakal oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose, Ehelada Macallimiuntaan ayaa wel wel ka muujiyay bad qabka Macallimiintaan.

Xoogaga Amaanka (Boliiska & NISA) ayaa ka gaabiyay iney Si hordhac ah u ogaadaan safarka Kooxdaan (Macallimiintaan) looga yeeray degaanada ay arimiyaan kooxdq Argagixisada Shababka & in Noica Siminaarka la soo baray, waana ayaan darro in Maamulka Villa Somalia oo Hey’adaha Amaanka u magacaabo shaqsiyaad laba Kaar-la-yaal ah uku aamino Xilalka Amaanka Dalka iyo Caasimada.

342780cookie-checkMa Dhabaa in Tiro Badan Oo Macallimiin Waxbarasho Looga Yeeray Degaanada Shababka ka Taliyaan & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *