Rooble Oo Sii Daayay Ciidamo Canshuur Ku Dagaalamay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ah laga helayaa xiisad ka dhalatay 11- Dabley ah oo la sheegay iney soo qabteen Ciidamada Dowladda Federaalka kuwaasoo weerar ku qaaday bar kontrol taasoo dhalisay dhimasho iyo dhaawac, isla markaasna loo diyaariyay in Maxkamada Ciidamada la horgeeyo…

Wararka ayaa sheegay in Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa shalay isku dayay inuu xoog ku soo furto 11 nin oo ay habeen hore soo bandhigeen ciidamada Boliiska, kuwaas oo ka tirsanaa maleeshiyaad ka amarqaata guddoomiye Jacfar iyo Sarkaal lagu magacaabo Xasan Jaamici.

Warsidaha Diinah.com news ayaa loo sheegay in dood habeenkii oo dhan ka dhax taagneyd booliska, Gudoomiye Jacfar iyo Xasan Jaamici oo Ciidamada Dowladda Federaalka ah inuu soo fara geliyay Ra’iisul wasaare Rooble kadibna la amray in la sii daayo 11-kii nin iyo hubkooda.

131830cookie-checkRooble Oo Sii Daayay Ciidamo Canshuur Ku Dagaalamay