Galmudug Waa In Laga Difaacaa Daneystayaasha & Kooxaha Argagixisada

Somalia news

Labadii bilood Ee ugu dambeysay waxaa Hana San aan ku yimid Maamulka Dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo Madaxdii Maamulka ay fariisin ka dhigteen Magaalada Mogadishu si ay dilaaliin ugu noqdaan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, waxaana aad u kordhay aanooyinka dilalka xambaarsan, iyadoo sidoo kale ay kordheen gadoodka Ciidamada Galmudug iyo weerarada kooxda Shabaabka….

Kooxda Shabaabka ayaa waxay weeraro joogto ah ku hayaan Degaanada iyo Tuulooyin kamid ah Gobolka Mudug sida Bacaadweyne, Caad iyo Camaaro, waxayna soo gaareen agagaarka Wisil, dadkii deegaanadaas degganaa waa barakiciyeen, ceelashii iyo tuulooyinkiina waa ka dumiyeen.

Sidoo kale waxay qabsadeen degaanka Ceeldheere oo dhacda wadada laamiga ah ee isku xirta Guricel iyo Dhusamareeb, 20-km dhanka galbeed ka xigta Magaalada Dhuusamareeb, Degmada Matabaan ciidamo ayaa la soo dul degay. Sidoo kale waxaa dib u soo laabtay isbaarooyinkii horay looga qaaday deegaanada Galmudug qaarkood, iyadoo Ciidamadii Daraawiishta Galmudug ee Xerada Dhanka roone ay Isbaarooyin dhigteen Inta u dhaxeeysa Galinsoor iyo Cadaado, kadib markii ay soo food saartay Dhaqaale iyo Maamul xumo.

Xildhibaan degaanka ka soo jeeda ayaa sheegay “Weerarka Shabaab ku hayaan deegaanada Galmudug, Isbaarooyinkii maleeshiyaadka ee dib u soo laabtay iyo Habacsanaanta maamul iyo amni ee Galmudug ka jira dhamaantood waa arrimo isbiirsaday halistoodana leh. Waxaan ku talinayaa dadka reer Galmudug in ay isku tashadaan loona diyaar garooba ka difaac dadka iyo deegaanada Galmudug kooxaha Al-Shabaab iyo danaystayaalka ku hoos duugan”.

87280cookie-checkGalmudug Waa In Laga Difaacaa Daneystayaasha & Kooxaha Argagixisada