Ma Dhabaa In Tiro Ciidamo Ah Shaqada Laga Joojiyay

Politics

Ilo wareedyo laga helay Saraakiisha Wasaarada Gaashandhigga ayaa sheegaya in Tiro badan oo Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Xoogaga Dalka la go’aamiyay in Shaqada laga joojiyo, kadib markii markii lagu eedeeyay Beelaha ay ka tirsan yihiin iyo iney Xisbiyada Mucaaradka ay taageersan yihiin…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Diinah.com in 2,800 oo ah askartii hore ee dowladda ayaa la go’aamiyey in la ruqseeyo lagana joojiyo Shaqada ay Qaranka u hayaan, Ololahaan ayaa la sheegay iney Hormuud ka yihiin Horjooge Yaxye Cali Hareeri oo qaraabo la ah Wasiirka 1-aad iyo Gabadha awoodda badan ee Samiira Geydh oo ah La-Taliyaha Mr.Kheyre una xil saaran iney si dadban u maamushoWasaarada Gaashandhigga.

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf raage ayaa ka soo horjeestay talabadaasi, waxaana la sheegay inuu wajahaaya dagaal siyaasadeed qatar ku ah isaga iyo xilkiisa, kadib markii uu ka soo horjeestay Damacs Horjoogayaasha Hareeri iyo Geydh.

37060cookie-checkMa Dhabaa In Tiro Ciidamo Ah Shaqada Laga Joojiyay