Howlgalo Laga Fuliyay Puntland

Politics

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaya howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka ay ku soo qabteen tiro maleeshiyaad ka tirsan Maleeshiyaadka Daacishta Somalia ee ka Howlgala degaanada Buuraha ee Galgala….

Wararka ayaa sheegaya in Madaxa Amaanka Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgalka Ka Sameeyeen Degaano iyo Dagmooyin Ka Tirsan Gobalka Bari oo ay ka mid tahay Iskushuban, Toga Jaceyl, Togga canjeel Iyo Dooxa Gabin Halkaasoo Ay Ciidamada ka soo qabteen tiro maleeshiyaad ah oo Daacishta ka tirsan

Wuxuu sheegay inay sidoo kale ay gacanta ku dhigeen hubkii iyo gaadiidkii ay wateen maleeshiyadka ay qabteen, waxaa kaloo uu sheegay Xubnaha la soo qabqabtay lagu hayo Laamaha amniga ee magaaladda Boosaaso

Xubnaha daacish ee la qabqabtay ayaa waxaa ku jira Shufeerkii Horjoogaha kooxda Daacishta Cabdulqaadir Muumin sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka amniga Puntland, Dhinaca kale, Madaxii hore ee Saldhiga Boliiska Magaaladda Yusuf Axmed Ciise ayaa xalay ka badbaaday isku dil oo lagu doonayay in lagu khaarajiyo degmada Carmo ee Gobolka Bari, waxaana loo soo qabtay Nin ka tirsan ururka Daacish.

37090cookie-checkHowlgalo Laga Fuliyay Puntland