Ma Dhabaa in Turkiga Uu Dalka Keenay kana Howlgeliyay Drones-ka Akinci…

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dowladda Turkiga ayaa xoojisay dadaallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee Somalia, iyagoo Dalka keenay diyaaradaha Drones-ka dagaalka ee Akinci aan duuliyaha lahayn (UCAVs), kuwaasoo saacdo badan hawada ku jiri kara masaafo fogna duqeyn ka geysan kara…

Xuuranada la helaayo ayaa xaqiijinaaya in talaabadani ay isbedel ku sameyso wajiga dagaalka isla markaasna sare u qaado awoodda howlgallada Ciidamada ee dhanka ka ah Kooxda argagixisada Shababka, iyadoo horey Ciidamada Dowlada ku howlgeli jireen Drones-ka Bayraktar TB2 oo awoodeedu masaafada ay ka howlgeli karto ay xadidan tahay, Diyaaradda Akıncı ayaa awood u leh inay xambaarto culeys aad u sarreeya oo dhan 1,500 kg, taasoo awood u siineysa iney geyso hubka riddada dheer iyo kuwa culus, oo ay ku jiraan gantaalada SOM cruise missiles, Gökdoğan iyo gantaalada Bozok, iyo bambooyinka MK-82.

Khubarada Ciidamada falanqeeya ayaa sheegaya in Turkiga soo daabulidda diyaaradahan aan duuliyaha lahayn uu uga gol leeyahay in lagu xoojiyo howlgallada ciidamada XDS, laguna carqaladeeyo dardargelinta Al-Shabaab iyo in la xakameeyo dhul ballaarsiga kooxda ay wado.

Wararka ayaa sheegaya in laba diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Akınci la keenay Todobaadkii tagay Dalka isla markaasna ay howlgalkii ugu horeeyay ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe si ay u taageeraan hawlgallada haatan socda, Soo bandhigida diyaaradahan casriga ah ee aan duuliyaha lahayn ayaa la sheegayaa in ay calaamad u tahay is beddelka istaraatiijiyadda ka hortagga argagixisada Somalia.

364400cookie-checkMa Dhabaa in Turkiga Uu Dalka Keenay kana Howlgeliyay Drones-ka Akinci…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *