ICRC oo Sheegtay inay 150-Qof ku Geeriyoodeen Dagaalada ka socda Magaalada Laascaanood

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayeey ku sheegtay in iskahorimaadka dhex maray Xoogaga Amaanka Maamulka Somaliland iyo kuwa SSC ay ku geeriyoodeen 150 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 600 oo kale tan iyo 6-dii Feberaayo…

M.Jurg Eglin, oo ah Madaxa Ergada ICRC ee Somalia, ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo aan caqabad lahayn loo oggolaado in la gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo Dhibanayaasha, “Dadka ku nool Laascaanood waxay si deg-deg ah ugu baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo, waxaana ku dadaalaynaa sida ugu dhaqsaha badan inaan u gaarsiinno,” ayuu Eglin ku yiri, isagoo xusay in khilaafka siyaasadeed uusan marnaba hor-istaagi doonin badbaadinta nolosha.

Hay’adda samafalka ayaa sheegtay in kumannaan ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay iska horimaadyada ay la kulmeen xaalado adag kaddib markii ay ka carareen guryahoodii.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, UNHCR, ayaa sheegtay in in ka badan 60,000 oo Soomaali ah, oo u badan haween iyo carruur, ay u qaxeen gobolka Soomaalida Itoobiya dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ka dib iskahorimaadyada.

243380cookie-checkICRC oo Sheegtay inay 150-Qof ku Geeriyoodeen Dagaalada ka socda Magaalada Laascaanood
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com