Ma Dhabaa in UAE ay Si Qarsoodi ah uga Dhiseen Magaalada Boosaaso (Puntland) Gantaalada Difaaca Cirka..

Security Somalia news World

Warar loo qaateen ah oo soo baxaaya ayaa tilmaamaya in Imaaraatka Carabtu ay qalab casri ah oo Raadaar ah dhigeen (Geeyeen) Waqooyi Bari Somalia, gaar ahaan Xarunta Xoogaga Ciidamada Badda Puntland (PMPF) oo ku dhagan Saldhigga Diyaaradaha ee Boosaaso oo Imaaraadku maamulo…

Xuuraanada la helaayo ayaa daaha ka togaaya in Nadaamka Difaaca Cirka ee la is weydiinayo uu yahay nooca (ELM-2084 3D Active Elektroonig ahaan Scanned Array Multi-Mission Radar) oo ah qayb farsamo oo casri ah oo loogu talagalay ilaalinta hawada, Hoobiyayaasha iyo madaafiicda, iyo sidoo kale gantaalaha iyo dabagalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Qalabkaan Difaaca Cirka ayeey Wariyayaasha Degaanka la wadaageen Ilo Sirdoono, waxay dhalinaysaa su’aalo ku saabsan ujeedooyinka istiraatiijiga ah ee Imaaraadku ka leeyahay gobolka kacsan ee Geeska Afrika, ku darsoo Hogaanka Faahilmay ee Villa Somalia oo ka aamusan Ciidamada Difaaca Cirka UAE ee ku sugan Magaalada Boosaaso isla markaasna aan Laamaha Sharci dejinta aan lagu wargelin waxeyna horseedi kartaa in Dalku dib ugu noqo dagaaladii sokeeye.

Raadarkaan sharci darrada ah ee la dhigay magaalada Boosaaso ee Puntland, oo ah maamul-goboleedka hoos taga Dowlada Federaalka ayaa ku soo beegmaya xilli dhaqdhaqaaq juquraafiyeedka Gobolku uu sare u kacay, iyadoo quwadaha caalamku ay ku loolamayaan inay saamayn ku yeeshaan mariinada muhiimka ah ee Baddaha Cas iyo Arabian Sea, Inkastoo ujeedada dhabta ah ee loo dhigay magaaladaasi aysan caddayn, hadana Falkaani wuxuu si qoto dheer u muujinaayaa Hamiga Ciidamada Imaaraadka Carabta iyo saamaynta istaraatiijiyadeed ee Gobolka muhiimka u ah ganacsiga iyo amaanka caalamiga ah, iyadoo laga cabsi qabo in sidii Sudan uu dagaal sokeeye Dalka Somalia ka qarxo.

367940cookie-checkMa Dhabaa in UAE ay Si Qarsoodi ah uga Dhiseen Magaalada Boosaaso (Puntland) Gantaalada Difaaca Cirka..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *