Ma Dhabaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Uu Diiday In Xildhibaan Lagu Xanto Sirdoonka Ethiopia Inuu…

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa khilaaf dhanka xulashada Wasiirada cusub uu soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha, talaabadaan ayaa la sheegay iney sababtay in muddo 14-maalmood ah la fasaxo Xildhibaanada Baarlamaanka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtey in tiro wada tashi ay yeesheen Madaxweynaha Wadiirka 1-aad, oo looga hadlaayay Xulashada Wasiirada Cusub, inta badan lagu heshiiyay ayaa la sheegay in la isku fahmi waayay in Wasiirka Beesha Xawaadle la siiyo Xildhiban Abdullahi Mohamed Sanbalolshe.

Iyadoo Madaxweynaha la sheegay inuu culeysyo kala kulmay Dowlada Ethiopia oo ”Sanbalolshe u dooneysa inuu ka mid noqdo Golaha Wasiirada cusub, Mr.Xamse ayaa ku adekeystay in Xildhibaan Sanbaloolshe uu ku suntan yahay qeybna ka ahaa Kooxd dajisay shirqoolki Qalbidhagax loogu gacan galiyay Ethiopia, sidaas darteed uusan kamid noqon karin Golihiisa Wasiirada.

Wararka ayaa sheegay in Mr.Xamse uu soo jeediyay in Xildhiban Cabdirasaq Cumar Maxamed oo horey uso noqday Wasiirka Amniga, Madaxweynahana qaraabo dhanka Cabdirasaq Aabihis ah yihiin uu noqdo Wasiirka Beesha ku metelaaya Golaha Wasiirada, Madaxweynaha ayaa la sheegay in Wada tashiga xiisadani dib loo dhigo inta uu ka soo laabaanayo Safarada Turkiga iyo Kenya.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa u xushay Madaxa Habmaamuuska Cabdullaahi Maxamed Sharif oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan (Jufada Amir nur) oo degta Ethiopia.

198430cookie-checkMa Dhabaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Uu Diiday In Xildhibaan Lagu Xanto Sirdoonka Ethiopia Inuu…