Maxaa ka jira in Khilaaf ka dhex Qarxay Agaasinka Warbaahinta Madaxtooyada & VoA-da

Somalia news U.S.

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada iyo Idaacada VoA-da khilaafkaan ayaa salka ku haya maqaal ay Idaacada qeybta English-ka oo la faafiyay 21-kii Bishaan laguna sheegay in la saluugay…

Xogta ayaa xaqiijisay in xiisadani ay salka ku heyso Shaqsi ka tirsan qeybta Warbaahinta Madaxtooyada uu wacay Madaxda Idaacadaha Madaxa banaan kuna wargeliyay iney Xafiiskaasi u soo gudbiyaan Wararka ka hor inta aan la baahin, iyadoo Xafiiska Madaxtooyada ay beeniyeen jiritaanka wararkaasi balse ay qirteen iney dalbadeen Cinwaanada Wararka in loo soo diro.

Waa kuma Shaqsiga Wacay Idaacadaha

Baaris iyo daba gal dheer kadib la xaqiijiyay in Shaqsiga Fariinta Hanjabaada ah diray ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Xuseen Wehliye wuxuuna Xafiiska u qaabilsan yahay qeybta Dabgalka saxaafada, inkastoo la sheegay in la xiray (Wehliye iyo xubno kale) shaqadana laga joojiyay, iyadoo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada (Cabdulqaadir Cali Dige), uu dafiray in hanjabaadaasi ay xafiiskiisa ka baxday.

Madaxtooyada oo Raali gelin ka dalbatay VoA

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Madaxtooyada Somalia ay ka dalbatay Madaxda VoA iney raali gelin ka bixiyaan gefefka ku jiray maqaalkii hore, VoA ayaa maqaal kale ka qortay oo Madaxtooyada ku beenineyso iney faaf reeb ku sameyneyso Warbaahinta gudaha balse ma noqon mid ku filan Maamulka Xasan Gurguurte, waxeyna qorsheynayaan iney cabsho rasmi ah u gudbiyaan Wasaarada Arrimaha Dibeda ee USA oo idaacada hoos tagto.

233580cookie-checkMaxaa ka jira in Khilaaf ka dhex Qarxay Agaasinka Warbaahinta Madaxtooyada & VoA-da
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com